WARSAXAAFADEED
1 min read

WARSAXAAFADEED

Qurac : 20 February 2025: Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada Puntland (Hillaac), waxaa uu maanta oo ay taarlikhdu aheyd 20 February 2025, uu weerar cir iyo dhul ah ku dilay 44 ka mid ah Argagixisada Daacish ee ku dhuumalaysanaysay deegaannada teedsan Togga- jeceel ee buuralayda Cal-miskaad.

Hawlgalka Dhulka:

Ciidanka Dowladda Puntland ee buuralayda Cal-miskaad ka wada Halwgalka ay ku ciribtirayaan Argagixisada Daacish, waxay hawlgalo ay sameeyeen ku dileen in ka badan 15 Argagixisada Daacish ah oo Ajaanib aheyd, waxaana gebi ahaanba Ciidanku la wareegeen deegaannada Dhasaq, Qurac iyo deegaannada u dhow Damdamale oo intuba ka tirsan Togga Jeceel ee buuralayda Cal-miskaad isla markaasina fariisino u ahaa Argagixisada Daacish.

Hawlgalka Cirka :

Saaxiibada Dowladda Puntland ee Imaaraadka (UAE) waxay maanta duqeyn ku dileen 29 ka mid ahaa Argagixisada Daacish, Duqeynta ayaa ka dhacday labo meelood oo kala ah tuulada Damdamaale oo lagu dilay 22 Argagixiso iyo Togga damdamaale oo lagu dilay 7 Argagixiso.

Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada wuu soconayaa illaa aan kasoo afjarno Argagixisada Daacish ee ku dhuumaalaysanaysa buuralayda Puntland, waxaan shacabkayaga ku boggaadinaynaa, taageeradooda, garab istaagooda marxalad

walba iyo sida ay uga feejiganyihiin oo ay u ugaarsanayaan firxadka soo baxsada.

Wadajir iyo isku duubni.

Info@cto.pl.so

DHAMMAAD

@Puntland State House/HCAPuntland

One thought on “WARSAXAAFADEED”

  1. Dagaalka aynu kujirno waxyar ayaa inoo haray shacabkeena aynu ku tashano dawlad federaalka ayadu wax aan dhib ahayn inama siinayso

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *